Dhageyso:- Madaxweynaha Juba-land Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Cadaado

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Axmed Madoobe iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud,

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Galmudug uu qeyb ka yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen Guuleed iyo xubno wasiiro ka Tirsan maamulka Galmudug,

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/risaaq Socoto oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaabka loosoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug,

Dhanka kale afhayeenka Maamulka Galmudug uu sheegay in Madaxweynaha Juba-land  oo kulamo la qaadan doono Madaxda maamulka galmudug uu kal hadli doono arimimo badan ay qeyb ka tahay shirka dhawaan ka furmi doono magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Juba-land  iyo wafdigiisa ayaa sii gaari doona Magaalada Boosaaso oo dhawaan ay ka dhici doonto xaflada xariga loogu jaraayo Garoonka diyaarahada Magaalada Boosaaso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here