Wasiirka arrimha Gudaha oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiran

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Sooomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan dowlada Soomaliya uu kamid yahay wasiirka amniga Gudaha xukuumaada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo shalay gaaray Magaalada Beledweyne.

Wasiirka arrimiha Gudaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona aaska qaran ee la sameyn doono Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ugaas Rooble oo shalay ku geeriyooda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here