Boqortooyada sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in xirirkii saaxiibtinimo ee kala dhexeeyey dalka iiraan ay guud ahaanba jartay. kadib markii ay koox careysan ay gubeen safaaradii ay sacuudiga ku laheyd magaalada tahran.
Wasiirka Arrimaha dibada sacuudiga Cadil al jubeer ayaa sheegay in sacuudiga uu xirirka u jaray iiraan waxaana wasiirku uu tilmaamay in dowlada sacauudiga ay diblumaasiyiinteeda kaga sugan wadanka iiraan ay ugu baaqday in mudo 48-saacadood ah ay kaga soo baxaan wadanka Iiraan,
Wasiir Cadil aljubeer waxaa uu intaasi ku daray in sacuudiga uu u yeeray safiirkii u fadhiyey magaalada tehraan ee dalka iiraan kadib markii ay sii bateen dadka kasoo horjeeda xukunkii ay Fulisay dowlada sacuudiga,
Shalay ayay aheyd markii boqolaal ruux oo shiica ah ay Weerareen safaarada sacuudiga ee tehraan ku taalay kadibna ay qabad siiyeen dab xoogan, oo sababay in safaarada ay gubato,
Iiraan ayaa aad uga xumtaay dilka 47 ruux oo shiica ahaa oo uu ku jiray nin lagu magascaabi jirey shiikh nimrfi al nimri.

