Maamulka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay Howlgalo ay ka sameyeen Gudaha degmadaas oo lagu qab-qabtay haween iyo rag la sheegay in la shaqeynayeen xarakada al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud,
Gudoomiyaha degmada ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-quute). oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada Ethopia. Ay guuleysteen soo qabashada dad la sheegay in la shaqeyn jireen al-shabaab oo ku sugnaa duleedka degmada Ceel buur,
Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Ceelbuur waxa uu sheegay in dadkaan ay wax ka ogaayeen dilka Labo ruux oo ganacsato aheyd oo shalay lagu dilay deeganka ceelshiil ee Gobolka Galgaduud.
Cabdi Xasan Maxamed (Biyo-quute).Gudoomiyaha ceelbuur waxa uu Tilmaamay in dhawaan dadkaan la maxkamadeyn doono isagoona hadalkiisa ku daray in ay sii socon doonaan Howlgalada lagu soo qab-qabanayo dadka Taageera al-shabaab .


Yaa kusheegay adi lashaqeyntooda