Wararka haatan ka imaanaya deegaanka warmaxan ee Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya kuwa amisom ay dib ula wareegeen deegankaas oo saakay al-shabaab ay saacado kooban ay la wareegeen,
Mas’uuliyiin ka tirsan deeganka warmaxan ee gobolka shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in al-shabaab ay saacado kooban la wareegeen deeganka laakin ciidamada dowlada soomaliya ay markii dambe u suurta gashay in ay la wareegaan deeganka,
Xarakada al-shabaab oo warar ku baahiyay barahooda bulshada ayaa ku sheegay in saacado kooban ay la wareegeen deeganka warmaxan ee Gobolka shabeelaha Hoose kadib markii saakay ay weerar xoogan ku qaadeen,
Warar soo baxaya ayaa Tilmaamay in 3-askari ay ku dhinteen weerarka halka 2-kale ay ku dhaawacmeen oo u badnaa kooxihii dagaalamay.

