Kaptankii Hore ee xulka dalka ingiriiska Steven Gerrard ayaa difaacay qaab ciyaareedka Kaptanka kooxda Manchester United Wayne Rooney, isagoona sheegay in uu yahay laacibka u qalma In uu Hogaamiyo weerarka xulka dalka Ingriiska ciyaaraha Euro 2016.
Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney oo 30-jir ah ayaa dhawaan Noqday gooldhaliyaha ugu sareeya xulka dalka ingiriiska kadib markii xulka dalka ingiriiska uu guuleystay 10-kulan oo xiriir ah ciyaaraha isreebreebka Uero 216-ka.
Dhanka kale Weeraryahanka kooxda Manchester United ayaa xili ciyaareedkaan soo bandhigay waayo aad u xun kadib markii uu dhaliyay 2-goal 15-kulan uu kasoo muuqday kooxda Manchester United

