Banaabaxyo loogu soo horjeedo dilkii Maanta Lagu fuliyay 47-qof uu ku jiro Wadaad Shiicada Sacuudiga ka tirsanaa, ayaa Maanta ka dhacay wadamo badan oo ku yaala carabta,
Wadamada Bahrain, Iran iyo Bangladesh. ayaa Maanta lagu qabtay banaanbax loogu soo horjeeday Go’aankii dowlada sacuudiga ay xukunka dilka ah ay ugu fulisay 47-qof oo ka Tirsanaa Shiicada Sacuudiga.
Dowladda Iran waxa ay ka carootay dilka maanta lagu fuliyay ninka lagu magacaabi Sheikh Nimr’. dowlada Iran ayaa sidoo kale waxa ay ku hanjabtay in dilkan uu noqon doono mid horseeda burburka qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee talada haya xiligaan,
Dhanka kale Ayatollah Ahmad Khatami oo ka mid ah Wadaadka Shiicada Iran, oo banaanbaxyaasha la Hadlay ayaa wax aan wanaagsanayn ku Tilmaamay xukunkii daldalaadda ahaa ee maanta lagu fuliyay wadaadka Nimr al-Nimr.
wadamada Sacuudiga, Iran, Shiinaha, Emirate-ka iyo Iraq waa shanta dal ee caalamka ugu badan ee xukunada dilka ihi laga fuliyo sanadkiiba.







