Manchester City oo Xiiseenaysa Xidiga kooxda Manchester United Ander Herrera

0

Macalinka  loo saadaaalinaayo shaqada kooxda Manchester City Pep Guardiola’ ayaa  ka dhigi doono xidiga kooxda Manchester United Ander Herrera mid ugu horeeya uu lasoo wareegayo sida maanta lagu daabacay Don Balon.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa ku jahwareersan Nolosha kooxda Manchester United iyadoona ay macquul tahay in bisha Junuary loo ogolaado in uu kooxda ka dhaqaaqo.

Macalinka reer Spain ee Guardiola ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu ka Tagayo shaqada kooxda Beyer Munich isagoona kusoo wajahan Horyaalka dalka Ingiriiska gaar ahaan kooxda Manchester City.

26-jirkaan kooxda Manchester United Herrera ayaa 8-kulan kusoo bilowday xiliciyaareedkaan intuu shaqada kooxda uu hogaaminaayay macalin Louis van Gaal’

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here