Halkaan Hoose ka akhriso dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee soomaliya ka dhacay sanadkii 2015-kii aynu soo dhaafnay
- 01-dii janaayo sanadkii 2015 Ra’iizul wazaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay muddo ugu daraan soo xulista golihiisa waziirada kadib cadaadis kaga yimid xildhibaano katirsan baarlamaanka oo waqtigaasi diidanaa waziiro ay sheegeen in uu wato Madaxweynaha Soomaaliya in dib loogu soo daro Golaha waziirada.
- 03/janaury 2015-kii Maamulka Puntland ayaa go’aan kasoo saaray kheyraatka dabiica ee dalka gaar ahaan kuwa laga helo Deegaanada Maamulka Puntland iyadoona maamulkaasi uu amaro kasoo saaray cidii lagu arko ama heshiis kusoo gasho.
- 03/janaayo/2015-kii Dowladda Soomaaliya ayaa irdaha isugu dhufatay Idaacadda Risaala isla markaana xirtay madaxda Idaacaddaasi kadib Markii ay dowladda Soomaaliya sheegtay in Warbaahintaani ay baahisay in Soomaaliya uu soo gaaray cudurka EBOLA oo waqtigaasi wadamo dhaca afrika dhibaatooyin ku haye.
- 03/janaury/ 2015-tii Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ayaa ku dhawaaqay golihiisa waziirada iyadoona uu soo dhameystiray waziiro ka maqlaa golahaasi, waziiradaasi waxaa kamid ah C/qaadir Nuur Caraale Waziirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka idaacadda simba ayuu xiligaasi la hadlay isagoona sharaxay sida uu arko xilka loo magacaabay.
- 07-tii janaayo/ 2015-kii kooxo hubeysan ayaa Degmada Hodan ku dilay mid kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadda SIMAD, Maamulka degmaduna waxa ay ku eedeeyeen in ay dalkaasi ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab.
- 11-kii janaury 2015 waxaa war murtiyeed laga soo saaray shirkii urur goboleedka IGAD ee ka soconaye Magaalada Muqdisho kaa oo furmay 10/janaury/2015-ka waxa uuna ahaa kulankii 53-aad ee IGAD ay kulmaan waxaana warmurtiyeedkaasi kamid ahaa: in qaranimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, in Dowlada federaalka Soomaaliya la taageero iyo kuwo kale.
- 12/January sanadkii 2015-tii ra’iizul wazaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay golihiisa waziirada iyagoona isugu jiray waziiro, waziiro ku xigeeno iyo waliba waziiro dowlayaal waxaana si weyn ugu dhex muuqday waziiradii xukuumadii C/wali Sh.Axmed Max’ed waxana durba soo baxday khilaaf soo kala dhex galay ra’iizul wazaaraha iyo xildhibaanada baarlamaanka.
- 15-kii bishii janaayo Baarlamaanka ayaa kulan ay ku yeesheen Xarunta Golaha shacbiga ku o golaaday in 17-ka bishaasi in la hor geeyo golihii wazaarada ee xiligaasi uu soo dhishay ra’iizul wazaare Cumar C/Rashiid.
- 15-kii isla janaayo 2015-tii Maxkamadda Puntland ayaa xukun ku riday ergo ka qeyb galeysa Shirka Maamul usameynta Gobolada dhexe ee soomaaliya maanta Cadaado Waxaa gaaray xubno horleh oo ka tagay deegaanada uu maamulkaasi ka arimiyo. Xubnahaasi waxa kamid ah ahaa Ex Xildhibaan C/wali Muuse Shire Dhamuuke isagoona la hadlay waqtigaasi radio Simba waxa uu yiri.
- 19/January/2015-ka waxaa Magaalada garoowe ka furmay mashruuca isbadalka cimilada Soomaaliya waxaana xarigga ka jaray Madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.
- 21-kii janaaayo Sanadka 2015 xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka G/Hiiraan oo xiligaasi lagu eedeeyey in ay musuq maasuq ku sameeyeen raashin gurmad ah oo loogu tala galay dadka Degmada buula burde.
- 23-kii January/2015-ka waxa gogol dib u heshiisiineed Degmada afgooye loo dhigay beelo walaalo ah oo mudo kuwada dagaalamaye G/Sh/Hoose waxaana gogoshaasi dhigay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed iyo mas’uuliyiinta beelahaani.
- 25-kii janaaayo 2015-tii waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha turkiga kadib dib u dhac ku yimid socdalkiisa 23-kii bishaasi iyadoona uu Geeriyooday boqorkii sacuudiga sidaasi awgeed waxa uu kamid noqday madaxdii ka qeyb qaadatay Aaska boqorkaasi.
- 25-kii janaayo isla sanadkaasi waxaa Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Ex Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo lasoo shaqeeyey dowladihii dalka Soomaaliya isagoona muddo ku xanuunsanaye Muqdisho.
- 27-kii janaayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u amba baxay Magaalada adis ababa ee caasimadda Ethiopia waxa uuna ka qeyb galaye shirka madaxda afrika ee ka furmaye magaaladaasi.
- 31-ka ra’iizul wazaaraha Soomaaliya ayaa Golaha shacbiga ka codsaday in ay muddo dheeraad ah siiyaan si uu usoo dhiso xukuumad ay xildhibaanada baarlaanka kuwada qancaan maadaama uu dib ugu laabtay xukuumadii uusoo dhisay ugu dambeyne waxa ay u ogolaadeen in 10-cesho ay siiyaan.
- 04-ka February 2015-ta Magaalada dhuusa mareeb waxaa gaaray odoyaal ka qeyb galaye shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega gobolada dhexe ee dalka.
- 06-dii February sanadkii 2015-kii waxa shir igugu yimid madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka si ay ugu arinsadaan maxladda Soomaaliya iyo doorashada Soomaaliya sanadkaani.
- 08-ta February 2015-tii Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey sadaxda wazaaradood ee uu Golaha waziirada ka siiyey ra’iizul wazaare Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke.
- 09-ka bishaasi waxaa baarlamaanka Soomaaliya oo la hor geeyey Golaha waziirada ay ansixiyeen iyadoona isbadal uu kusoo sameeyey ra’iizul wazaare sharma’arke waziiradii qaar ee muranka ka muujinayeen badi xildhibaanada baarlamaanka.
- 12-ka February dowladda federaalka ayaa Ciidamo dheeraad ah u dirtay Magaalada dhuusa mareeb waqti Magaalada guriceel ay ka socdeen Dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda iyo kuwa ahlu sunna xiligaasine waxa dhuusa mareeb ka socday shirkii dib u heshiisiinta beelaha gobolada dhexe.
- 12-ka isla bishaasi waxa lasoo gaba gabeeyey kalfadhigii 5-aad ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey kadib xaflad ka dhacday aqalka madaxtooyada Soomaaliya.
- 14-kii February 2015-ka waxa xabad joojin lakala dhex dhigay Ciidamada dowladda iyo kuwa ahlu sunna ee ku dagaalamaye Magaalada guriceel ee G/Galgaduud.
- 21-kii febraayo Madaxweynaha jabuuti ayaa yimid Magaalada Muqdisho caasimadda soomaaliya isagoona maalin kadib ka amba baxay Magaalada Muqdisho.
- 24-ka February 2015-ka Munaasabad lagu maamuusaye 45-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidamada Asluubta ayaa maanta lagu qabtay G/Banaadir munsaabaddaasine waxa ka qeyb gala xubno ka kala socday labada gole ee dowladda iyo saraakiisha Ciidamada asluubta Soomaaliyeed.
- 28-ka febaraayo isla sanadkaasi dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aya ku dhawaaqday in kowda March Magaalada cadoodo ka furmayo shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada dhexe.
- 02-ka march sanadkii 2015-ka waxa bur buray wada hadaladii u socday dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland kadib Markii dowladda ay shirkaasi u dirtay xubno kasoo jeeda Deegaanada Soomaaliland balse taasi ay shuruud ugu dhigtay in xubnahaasi laga saaro Maamulka Soomaaliland.
- 04/march waxaa Magaalada baydhabo ka dhacay heshiis ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed shariif Xasan Sh.Aadan iyo Madaxweynaha lexda gobol ee horay looga dhawaaqay baydhabo ee uu hogaaminayo Madoobe Nuunoow Max’ed.
- 08-dii march waxaa Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka lagu qabtay munaasabadda sideedda maarso oo ku asteesan maalinta haweenka aduunka.
- 08-dii isla bishaasi waxaa Magaalada Qaahira ee caasimadda masar ku kulmay waziiro arimo dibadeedyada wadamada carabta waxaana looga hadlaye Arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliyeed.
- 10-kii march dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay saraakiil katirsan Ciidamada dowladda oo ay u qabatay in ay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday hoteelkii loo diyaariyey wafdigii ka socday turkiga ee uu hogaaminaye Madaxweynaha dalkaasi.
- 12-kii bishaasi Magaalada baydhabo waxaa Xarunta madaxtooyada Maamulka Koofur galbeed ee sida KMG ah ugu shaqeyso lagu qaaday weerar ismiidaamin ku bilawday oo ay xigeen rasaas toos ah.
- 14-ka march 2015-kii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala diray Golaha adeegga garsoorka dalka.
- 16-ka march boqortooyada ingiriiska ayaa safiirad cusub usoo magacaabatay iyadoona boqortooyada Britain ay sheegtay in ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee dalka.
- 24-kii march 2015-kii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaye ayaa gaaray Magaalada dhuusa mareeb ee Xarunta G/Galgaduud waxaana ka socday shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega gobolada dhexe.
- 27-kii march ayaa weerar ismiidaamin ahaa iyo israsaaseen toos aheyd waxaa lagu qaaday hotelka maka al mukara ee Magaalada Muqdisho, iyadoona maalin kadib milkiilaha hoteelkaasi uu dowladda eedeeyey.
- 30-kii march sanadkii 2015-dii waxaa dalka Yemen kasoo cararay Soomaalidii ugu horeysay oo kasoo carartay colaadihii dalkaasi ka socday.
- 31-kii march Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Nigeria mahamadu buhaari isagoona qadka teleefoonka kula hadlay waxa ayna ka wada hadleen side ay isaga gaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo boko Haram.
- 05-ta april 2015-ka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday in ay joojiso darbiga ay ka dhisaneyso xadka ay la wadaagaan Soohdinta kala qeybsi Soomaaliya iyo kanya waxaana ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.
- 07-dii april baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey xeerka la dagaalanka waxa loogu yeero arga gixisada waxaana soo dhaweeyey madaxda sar sare ee dalka.
- 09-kii april sanadkii 2015-tii Magaalada garoowe waa hooyadiis ku dilay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole iyadoona Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiiglaha.
- 11-kii april Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabadda todobaadka dhir beerista.
- 12-kii april 2015-ka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Wazaaradda gaashigga Soomaaliya waxa ka dhacday 55-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaskii Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
- 14-ka april Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee G/Galgaduud isagoona kahor socdaalkiisa la sheegay in uu soo ifbaxay khilaafaad u dhaxeeyey gudigii farsamo ugu dambeyne kulamo uu la qaatay ku qanciyey in wax waliba xal laga gaaro.
- 15-ka april odoyaasha Dhaqanka ee Degmada caabud waaq ayaa sheegay in loo diiday in ay galaan Gudaha Degmada cadaado.
- Isla maalintaasi 15-kii april sanadkii 2015-ka Magaalada kismaayo waxaa looga dhawaaqay baarlamaanka Maamulka jubbaland.
- 21-april maamulkii G/Banaadir ee uu hogaaminaye General Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa bur buray soohdin Maamulka Koofur galbeed uu ka sameeyey inta u dhaxeysa Deegaanka jaziirada, Maamulka G/Banaadir ayaa xad gudub ku tilmaamay arintaasi.
- 22-kii april Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Lacago ugu deeqay Soomaalida ku dhibaateysneen dalka Yemen waxa ayna baarlamaanku sheegeen in ay la socon doonaan lacagtaahi halka ay ku baxeyso.
- 27-kii april 2015 kalfadhigii 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarigga laga jaray kadib Markii ay muddo fasax ah ay soo qaateen xildhibaanada baarlamaanka.
- 29-kii april sanadkii 2015 magaalada baydhabo ee Xarunta G/Bay kooxo hubeysan ayaa ku dilay wariye Wariyaha la dilay ayaa lagu sheegay Daa’uud Cali Cumar oo ka howl galayay Idaacad lagu magacaabo Radio Baydhabo oo uu barnaamij soo saare uu ka ahaa iyo xaaskiisa.
- 01-ka bishii may Magaalada garoowe waxa isugu tagay madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka si ay ugu arinsadaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.
- 03-ka may 2015 Munaasabadda lagu soo dhaweynayo 3-da may oo QM u asteesay maalinta Xorriyadda Saxafiyiinta aduunka ayaa Muqdisho ka dhacday.
- 05-tii bisha may sanadkii 2015-kii magaalada muqdisho waxaa soo gaaray xog hayaha arimaha dibadda mareykanka john Kerry wuxuuna kulamo garoonka diyaarada uu kula qaatay madaxda dalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.
- 09-ka May 2015 Taliyaasha Cusub ee Ciidamada Booliiska iyo Asluubta ayaa lagu Dhaariyey Muqdisho kadib Markii xilkaasi loo magacaabay.
- 11-May 2015 dibad baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday mudo kororsiga Maamulka Madaxweyne Siinlaayo ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa.
- 17-kii May sanadkii 2015-kii Madaxweynihii Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa xil ka qaadis ku sameeyey af-hayeenkii maamulkaasi inkastoo af-hayeenkii xilka laga qaaday uu arintaasi kasoo horjeestay.
- 19-kii May baarlamaanka Soomaaliya ayaa guda galay ka doodista mooshinkii ka Dhanka ahaa baarlamaanka Maamulka jubbaland.
- 23-ka May 2015 Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ay jirdilo u geystaan ciidamo katirsan laamaha amaanka dowladda. Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
- 25-ka May sanadkii ina soo dhaafay 52-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho. Xasan Sh.Max’ud.
- 04-ka june/2015 waxaa Magaalada cadaado lagu xareeyey eragadii dooraneysay baarlamaanka Maamulka Galmudug si ay u doortaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenada si ugu dambeyn ay usoo doortaan baarlamaankaasi madaxweyne iyo madaxweyne ku Xigeenka maamulkaasi.
- 06-da bisha june sanadkii 2015-tii baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyey mooshin ka dhan ah baarlamaanka maamulka jubbaland, maalin kadibne magaalada kismaayo waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday mooshinka, maamulka jubbaland waxa ay sheegeen in ay wada shaqeynta kala laabteen dowlada dhexe ee dalka.
- 12-kii bishaasi waxaa dacwad laga gudbiyey dowladda kenya kadib muran badeed Soomaaliya muddo kala dhaxeeyey iyadoona xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu u gudbiyey maxkamadda ICG oo dacwadaha u kala qaada dowlaha QM xubnaha ka ah.
- 14-ka june sanadkaasi waxaa magaalada johansburg ee dalka koofur afrika ka furmay shirka madaxda midowga afrika waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud isagoona ka hadlay marxaladda dalka uu marayo iyo dhibaatooyinka loo geysto dhalinyarada ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi lagu dhibaateeyo.
- 16-ka bishii june 2015-kii madaxweynaha maamulka puntland ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa waziirada waxana laga waayey tiro kamid ah waziirada maamulkaasi oo isku shaandheyntu saameysay.
- 18-kii june waxaa weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta kafaalo ee magaalada cadaado ee G/Galgaduud waxaana xaruntaasi ku xareesnaay odoyaasha dhaqanka ee soo xulaye baarlamaanka galmudug xiligaasi waxaa la sheegay in uu qasaare ka dhashay weerarkaasi.
- 20-kii bishii june waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu xarigga ka jaray xarunta fiisho-kuweerno oo dib u dhis lagu sameeyey kadib 25-sano oo xaruntaasi aanan helin wax dayactir ah.
- 22-ka bisha june 2015-ka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xafladii dhaarinta xildhibaanada maamulka galmudug taas oo ka dhacday magaalada cadaado ee G/Galgaduud.
- 24-kii bishii june waxaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu qaaday safiirka imaaraatka carabta u fadhiya Soomaaliya waxa uuna weerarkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa tarabuunka iyo isbitaalka xoogga.
- 26-kii june 2015 Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar qasaare badan kasoo gaaray Ciidamada AMISOM ku qaaday xarun ay ku lahaayeen Deegaanka Leego ee G/Sh/Hoose.
- Isla maalintaasi 26-kii june waxaa dalka ka dhacay munaasabadda 26-ka june oo marwaliba Soomaalidu u dabaal degto markii xornimada ay gobolada waqooyi ay ka qaateen gumeystihii ingiriiska sanadkii 1960-kii.
- 28-bishii june sanadkii 2015-kii baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo weydiiyey waziirka cadaalada iyo garsoorka iyadoona gudoonka baarlamaanka uu u yeeray waziirka arimaha gudaha Soomaaliya si ay su’aalo u weydiiyaan.
- 30-ka bishii june madaxweynaha Soomaaliya ayaa hortagay baarlamaanka Soomaaliya isagoona qudbad uu u jeediyey baarlamaanka Soomaaliya uu u sharaxay marxaladda dalka uu marayo.
- 01-dii luuliyo waxaa guud ahaan dalka ka dhacay munaasabadda xornimo qaadashada gobolada koofureed iyo israacii labada gobol ee waqooyi iyo koofurta Soomaaliya oo xornimo ka kala qaatay ingiriiska iyo talyaaniga.
- 02-july-sanadkii 2015-ka waxaa Magaalada boosaaso gaaray dadkii ugu badnaa ee kasoo cararay colaadaha Yemen ka jira waxa ayna dadkaasi Boosaaso ku gaareen markab iyo dhowr doon.
- 04-ta july Magaalada cadaado ee G/Galgaduud waxaa ka dhacday doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku Xigeenka dowlad goboleedka Galmudug waxaana u tartamaye murashixiin badan ugu dambeyne waxaa ku guuleystay Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed halka madaxweyne ku xigeen uu ku guuleystay Max’ed Xaashi Cabdi Carabeey. Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa xiligaasi la hadlay idaacadda simba bal sida uu u arko doorashadii cadaado ka dhacday.
- 06/july/2015-ka Magaalada baydhabo waxaa ka dhacay Qarax qasaare badan geystay iyadoona qaraxaasi uu ahaa bam gacmeed uu tuuray Askari katirsanaa Ciidamada daraawiishta Koofur galbeed waxaana ku dhintay 4-ruux halka ay ku dhaawacmeen 18-kale dhamaantoodne waxa ay ahaayeen dad shacab ah.
- 08-dii july kooxo hubeysan ayaa Deegaanka jaziira ku dilay Taliyihii nabad sugida deegaankaasi kadib Markii gaari uu watay lagu rasaaseeyey ugu dambeyne goobtaasi uu ku Geeriyooday.
- 10-kii july/ sanadkii 2015-ta Xarakada Al-Shabaab ayaa Weeraro ismiidaamin ah ku qaaday hoteelada Wehliye iyo Siyaad oo ku Yaala wadada maka al mukarama ee Magaalada Muqdisho waxaa ku Geeriyooday dad ku sugnaa hoteelkaasi.
- 12-ka july xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Wafdi uu hogaaminaye ayaa gaaray Wadanka holand isagoona u gudbiyey maxkamadda dambiyada dowlahada xubnaha ka ah QM ee ICG dacwad badeeda Kenya ka Dhanka ah.
- 14-ka july sanadkii 2015-kii waxaa magaalada garoowe kulamo ku wada qaatay ra’iizul wazaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha puntland iyo Jubbaland.
- 22-kii july waxaa magaalada cadaado lagu caleemo saaray madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed waxaana xafladaasi ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo mas’uuliyiin kala duwan.
- 26-dii july sanadkii 2015-kii weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday hoteelka jaziira ee magaalada muqdisho waxana kamid ahaa dadka ku geeriyooday diblu maasiyiin ajaanib ah oo ay kamid yihiin diblu maasiyiin u kala dhashay Kenya iyo shiinaha.
- 28-dii july sanadkii 2015-ka ra’iizul wazaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa hor tagay baarlamaanka Soomaaliya iyagoona maalintaasi baarlamaanka ay go’aan kasoo saareen doorashada dalka sanadka soo socda 2016-ka.
- 30-kii july waxaa lasoo gaba gabeeyey mid kamid ah shirarkii looga tashanaye hiigsiga dalka sanadkaani waxaana laga soo saaray warmutiyeedka qodobadii lagu heshiiyey waqtigaasi.
- 05-august/ waxaa baarlamaanka Soomaaliya uu u yeeriyey gudoomiyihii hore ee G/Banaadir General Xasan Max’ed Xuseen Muungaab oo waqtigaasi dalka ka maqlaa.
- 07-dii august/ sanadkii 2015-kii degmada dooloow ee G/Gedo waxaa lagu soo gaba gabeeyey kulankii dib u heshiisiinta ahaa ee u dhaxeeyey maamulka jubbaland iyo siyaasiyiinta G/Gedo ee mudada khilaafka uu ka dhaxeeyey.
- 13-august madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii ka dhanka ah oo ay xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya uu u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka. Cod madaxweynaha.
- 15-kii august 2015-ta doorasho ka dhacday magaalada kismaayo waxaa dib loogu doortay axmed max’ed islaam axmed madoobe inkastoo ay jireen xubno diidanaa doorashada madaxweyne axmed madoobe.
- 19-ka august sanadkii 2015-ka magaalada cadaado ee G/Galgaduud waxaa ka furmay kualn dib u heshiisiin ah oo ay wada yeesheen madaxda galmudug iyo ahlu sunna ugu dambeyne waxaa hal lagu wada gaaray in awood qeybsi la siiyo mas’uuliyiinta ahlu sunna.
- 29-kii august madaxweynaha koofur galbeed ayaa gaaray magaalada marka ee xarunta G/Sh/Hoose waxa uuna qiimeyn ku sameeyey heshiiskii beelaha walaalaha ahi ay wada gaareen.
- 31-ka august oo aheyd maalintii ugu dambeysay bishaasi waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha waziirada galmudug baarlamaanka maamulkaasi kadib kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado.
- 02-dii bishii sagaalaad ee September sanadkii 2015-tii magaalada cadaado ee G/Galgaduud waxaa lagu soo bandhigay dhalinyaro gaareysa lex ruux oo kufsi u geystay haween iyadoona xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu usoo waday muqdisho kuna hanjabay in cadaalada la hor geyn doono.
- 08-ka September sanadkii 2015-tii waxaa weerar lagu lagu qaaday hoyga waziirka ganacsiga galmudug C/ladiif C/laahi Warsame uu kaga degen yahay caabud waaq ee waqooyiga G/Galgaduud.
- 12-kii September magaalada kismaayo ee xarunta G/J/Hoose waxaa lagu caleemo saaray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam Axmed madoobe waxaana ka qeyb galay madax ka socotay dowlada dhexe ee dalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.
- 16-kii September sanadkii 2015-ka xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka G/Hiiraan ayaa lagu weeraray deegaanka ceel jaale ee gobolkaasi waxaana waqtigaasi Radio Simba la hadlay Xildhibaan Max’ed Max’ud Ibraahim Goodir.
- 26-kii September 2015-tii taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi indha qarshe ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Max’ed Aadan Axmed.
- 28-kii September waxaa magaalada New York ka dhacay kulankii 70-aad ee dowlaha QM xubnaha ka ah waxaana si gaar ah looga hadlaye arimaha Soomaaliya waxaa si wadajir ah u shir gudoominaye madaxweynaha Soomaaliya iyo xog hayaha guud ee QM Banki Moon.
- 02-dii ocotober sanadkii 2015 waxaa magaalada muqdisho ku geeriyootay allaha u naxariistee Faanadii Umu shariif Axmed isla maalintaasi ayaa magaalada muqdisho lagu aasay.
- 07-dii October magaalada muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga arinsanaye mooshinkii madaxweynaha Soomaaliya ay ka gudbiyeen xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
- 12-kii October sanadkii 2015-ta munaasabado lagu xusaye 61-sano guuradii kasoo wareegatay markii la hindisay calanka Soomaaliya ayaa ka dhacday magaalada muqdisho.
- 13-kii October waxaa gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in lasoo gaba gabeeyey oo xal laga gaaray mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha Soomaaliya inkastoo ay jiraan tiro kamid ah xildhibaanada mooshin wada yaasha in ay sheegeen in uusan mowqifkoodu is badalin.
- 16-kii October sanadkii 2015-kii taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada cadaado ee G/Galgaduud waxa uuna kulamo la qaatay mas’uuliyiinta booliiska galmudug.
- 18-kii October gudoomiyihii maamulka G/Banaadir general Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa bur buriyey biro lagu xiray wadada xiriirisa KM4 ilaa garoonka diyaaradaha waxa uuna si kulul u weeraray wazaaradda amniga gudaha oo uu ku eedeeyey in ogolaanshiyaha ay bixisay.
- 22-ka October sanadkii madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM laga saarayo xarunta Jaamacadda Gaheyr oo fariisin u ah muddo dhowr sano ah hadalkaana waxa uu ka jeediyey jaamacadda umada Soomaaliyeed..
- 25-ka October sanadkii 2015-kii waxaa la furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.
- 26-kii October waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyhii G/Banaadir General Xasan Max’ed Xuseen Muungaab iyadoona loo magacaabay Sh.Yuusuf Xuseen Jimcaale.
- 28-ka October sanadkii 2015-tii diyaarad laga lahaa wadanka masar ayaa ku dhacday duleedka degmada afgooye ee G/Sh/Hoose diyaaradaasine waxa ay u rarneed ciidamada AMISOM waxa ayna awoodi weysay in ay caga dhigato garoonka aadan cade.
- Isla maalintaasi waxaa xilka gudoomiye baarlamaanimo iska casilay gudoomiyihii baarlamaanka Puntland
- 01-dii November sanadkii 2015 gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey isla markaana ay daba socdeen kooxo katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday hotel Saxafi waxaana ku geeriyooday milkiilihii hoteelkaasi C/Rashiid Shire il qeyte, C/Kariin Xuseen Guuleed abaan duulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Xildhibaan abti doon iyo dad ku sugnaa gudaha hoteelka.
- 03-da November sanadka 2015 kulan looga tashanaye dib u dhiska maxkamada dastuuriga dalka ayaa ka dhacay magaalada muqdisho iyadoona waziirka garsoorka iyo cadaalada Soomaaliya uu sheegay in maxkamadaani ay muhiim u tahay dalka.
- 05-tii November maxkamadda G/Banaadir ayaa xukuno ku riday ku dhawaad 25-ruux oo u dhashay Kenya ku riday xukuno lacageed sidoo kalane waxa ay xukuntay shirkadii dalka soo galisay.
- 14-kii November ciidamo ilaaalo u ahaa gudoomiyihii hore ee G/Hiiraan waxa ay toogteen madaxii Hay’adda Qm u qaabilsan miino barista ee Gobolkaasi kadib shaqaaqo dhex martay labada ciiidan waa kuwa gudoomiyihii hore ee Hiiraan iyo kuwa madaxa main action.
- 17-ka November waxaa magaalada jig jiga ku geeriyooday wariye Axmed Xasan Cawke waxana lagu aasay qabuuro ku yaala tog wajaale ee ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.
- 23-kii November 2015-tii taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uu gaaray magaalada kismaayo ee xarunta G/J/Hoose, socdaalkiisane waxa uu ahaa mid uu ugu gol lahaa qorshaha midnimada qaran.
- Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigaye wax qabadka Ciidamada booliiska u tababaran qaraxyada, ciidamadaani ayuu madaxweynaha ku aamanay in ay yihiin kuwo shaqo muhiim ah u hayo dalka.
- 27-ka November ra’iizul wazaaraha Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo xili ay magaalada gaalkacyo ay ka jirtay colaado u dhaxeeya ciidamo ka kala amar qaata maamulada puntland iyo galmudug.

