Majalada Mundo Deportivo. Oo Spain kasoo baxda ayaa daabacday in xidigaha ku cusub kooxda Barcelona Arda Turan iyo Alex Vidal ay xiran doonaan Numberada 7-aad uu qaadan doono Turan iyo 22-aad uu xiran doono xidiga Aleix Vidal.
Warar soo baxaya ayaa Tilmaamaya in kooxda Barcelona ay ugu Talagashay xidigahaan Numberada 7-aad iyo 22-aad kadib markii dhawaan ay kooxda Barcelona ay lasoo wareegtay wallow ay u suurta galiweysay in ay u ciyaareen ganaax saaran kooxda Barcelona awgii,
Xidigahaan ayaa Bisha Junuary markii la gaaro u diyaar ah in ay kooxda Barcelona ay matalaaan iyadoona laacibka reer turkey-ga uu kamid yahay xidigaha inta badan saameynta ku leh kubada cagta.

