Guddiga  Doorashooyinka Qaranka oo ku Baaqay in Talada Doorashada Laga Qeeybgaliyo Aqoonyahanada

0

Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Xaliimo Yareey oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somalia Ayaa Sheegtay in hadda Baahi weeyn loo Qabo in Aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo Qeeybaha kala duwan Ee Bulshada Soomaaliyeed laga qeeybgaliyo islamarkaasina Fikir lagu Siiyo Doorashada Dalka Somalia.

Xaliimo Yareey Ayaa sheegtay in aan Loo Baahneeyn in Si Qarsoodi Ah Go’aan Looga Gaaro Hanaanka Doorashooyinka Somalia taa Badalkeeda Loo Baahanyahay in Shacabka Soomaaliyeed Ay Talo ku yeeshaan Doorashada soomaliya ka dhacaysa snadka 2016-ka.

Waxa ay Sheegtay  in Ay Fikrad Macquul Ah oo Wax ku oowl Ah Ay Soo bixi Karto haddii Bulsho weeynta Soomaaliyeed Ay Fikarado ka soo dhiibtaan Hanaanka Doorasho Ee Dalka Somalia.

Madaxda Soomaalida ayeey ku eedeeeysay in Taladii Dalka Somalia Ay Si Gaar Ah u leexsadeen islamarkaasina ay Maamulayaan

Cod Xaliimo Yareey

Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Somalia Ayaa horay u Shaaciyay in Faragalin Lagu Hayo Shaqadoodii  iyagoo oo Faragalintaasina ku eedeeyay Madaxda Dowlada Somalia

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here