Mudane C/lle Mursal Xuseen Gudoomiyaha KMG ah Ee Maamulka Koonfur Galbeed oo Ay Shalay Magacaabeen Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo Lahadlay Warbaahinta Simba Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Sheegay in uu hadda bilowday Qorsho wadahadal loola Furayo Masuuliyiinta hogaamineeyso Maamul Lamagac Baxay Bakool Sare oo Dhawaan Looga Dhawaaqay Gobolka Bakool Ee Koonfurta Wadanka Somalia.
Gudoomiye C/lle Mursal Xuseen Ayaa Sheegay in isfahanwaa Kasta oo Siyaasadeed Lagu Xalinayo is Afgarad iyo Wada Hadal kaasi oo Dhexmarayo madaxda Maamulkooda iyo Maamulka Lamagac-baxay Bakool Sare.
Waxa uu Tilmaamay Gudoomiyaha Kmg-ga in Hadda Qorshahaasi uu yahay Mid Socdo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Somalia-na ay Isku Afgarteen Maalmaha Soo-aadana Lagu Dhaqaaqi Doono.
Maamul Lamagacbaxay Bakool Sare oo Dhawaan Looga Dhawaaqay Magaalada Ceel-barde Ee Gobolka Bakool kadib Markii Siyaasiin iyo beelaha halkaasi Daga Ay Saloogeeyn Qaabka loo Soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed .

