Cali roobow:- Waa in gacanta Lagu soo dhigaa Askartii dilka ka geysatay Magaalada Mandheera

0

Gudoomiyaha Magaalada Mandeera Cali roobow ayaa dowlada Kenya ugu baaqay in   gacanta Lagu soo dhigo askartii ka dambeysay dilka labo qof oo rayad ahaa loogu geystay magaalada mandera.

Gudoomiye cali ayaa warbaahinta capital u sheegay mar uu qadka talefanka kula hadlayey in masuuliyinta ciidanka Kenya ay kala xisaabtami doonaan dilka loo geestay labadaasi qof ee ka tirsanaa dadka deegaanka mandera.

Ciidanka ayaa  sicad waxa ay toogasho ugu dileen Cabdiraxmaan maney iyo aadan nanja oo watay gaari gaar ah hasayeeshii ciidanka Kenya oo ka shakiyay ayaa  keentay in rasaas ay ku furaan,

Magaalada mandera ayaa mudooyinkii dambe amaankeeda uu sii xumaanayey kadib markii rag ka tirsan Al-shabaab ay dhoor jeer weeraro ku qaadeen magaaladaasi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here