Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha dalka Ciraaq Haider al-Abadi ayaa maanta gaaray Magaalada Ramadi ee Gobolka anbar ee dalka Ciraaq kadib markii Magaaladaas laga saaray kooxda dowlada islaamka ee daacish.
Diyaayada Helicopter ayaa ka dajisay Magaalada Ramadi ee Gobolka anbar ee dalka Ciraaq wafdiga Raisulwasaaraha dalka Ciraaq Haider al-Abadi isagoona kormeero ku Tagay goobihii lagala wareegay ciidamada daacish,
Haider al-Abadi oo hadal kooban ka jeediyay Magaalada ramadi ee Gobolka Anbar ayaa sheegay in sanadkaan 2016-ka uu yahay sanadkii guulaha ayna ciidamada dowlada ciraaq ay gaari doonaan goobo badan oo wali gacanta ugu jira kooxda daacish,
Todobaadkaan Gudihiisa ayay aheyd markii ciidamada ciraaq oo aad u hubeysan ay la wareegeen Magaalada Ramadi ee Gobolka anbar oo sanadihii dambe ay ku sugnaayeen kooxda daacish.

