Kenya oo Howlgal lagula dagaalamo Al-shabaab ka bilowday Xadka Soomaliya iyo Kenya.

0

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay xadka ay la wadaagto soomaaliya ay ka fulin doonto howlgal lagula dagaalami doono dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab oo dowlada Kenya ay sheegtay in ay joogaan xadka labada dal ay wadaagaan.

Dowlada ayaa sheegtay in garabka Al-shabaab ee taageersan daacish ay hada fariisimo ka sameysteen xadka soomaliya iyo Kenya taasi oo keentay in weeraro ay ku qaadaan ciidamada Kenya.

Howl galkaan ay keenyo ku dhawaaqday ayaa daba socda kadib markii ay Ciidamada Al-shabaab si aad u kordhiyeen weerarada ka dhanka ah ciidanka dowlada  Kenya.

Al-shabaab ayaa saddex weerar ku qaaday ciidanka Kenya gawaari ay la socdeen oo marayey magaalada mandera ee Gobolka woqooyi Bari kenya xili ay u socdeen magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Weeraradaasi waxaa ku dhintay 8 ruux oo ay ku jiraan 4 sargaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya.

Fredrick Shisia waxaa uu ka mid yahay maamulka Mandera ee Gobolka woqooyi bari kenya waxa uu sheegay in Al-shabaab ay hada soo cusboonsiiyeen weerarada lagu qaadayo ciidan kooda ee ku sugan mandera .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here