Goolhayihii Hore ee kooxda Newcastle United ee dalka Ingiriiska Pavel Srnicek ayaa geeriyooday xili uu jirey 47-sano sida uu saxaafada u sheegay wakiilkiisa,
Xidigii Hore ee heerka caalami ee xulka dalka Czech Republic ayaa bishii December la dhigay isbitaal ku yaala dalkaas kadib markii u soo wajahay xanuun aad u daran,
Pavel Srnicek ayaa usoo ciyaaray kooxaha kala ah Newcastle, Sheffield Wednesday iyo West Ham ka hor inta uusan macalin u Noqonin kooxda Sparta Prague maanta oo talaado ah ayuu geeriyooday Mr Pavel Srnicek.

