Wafdi uu Hoogaaminaayo wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe,
Wafdiga uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya waxaa ka mid ah wasiiru-dowladaha maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka Tirsan. Waxaa Haatan laga dareemayaa Magaalada Jowhar qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga wasiirka,
Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa dhawaan ka Furmi doona shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaana Maalmihii dambe Magaaladaas gaarayay siyaasiyiin iyo xubno ka Tirsan dowlada soomaliya,

