Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-Dec-2015 magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland kaga qayb galay kulan is xog waraysi ah oo ku saabsanaa shirarkii looga hadlayey aayaha soomaaliya oo muqdisho kadhacay horaantii bishan kuwaas oo Puntland ay uga qayb galeen Madaxweynaha Puntland iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayey.
Kulan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, urarada bulshada rayid ah, aqoonyahan, wax-garad iyo culimaa’udiin.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bulshadii kasoo qayb gashay kulanka uga warbixiyey waxyaabihii ay kala soo kulmeen shirarkii ay xamar kaga qayb galeen isagoona tilmaamay inay madalihii shirarku ka-socdeen ay ka sheegeen aragtida shacabka Puntland ay kaqabaan hannaanka doorashooyinka 2016- taasoo gundhigeedu yahay in deegaan wax lagu soo doorto si loo helo metelaad dhab ah oo shacabka ka timaadda.
Madaxweynaha Puntland Puntland ayaa sidoo kale xusay in aragtiyaha shacabka soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobollada dalka badidoodu ay ahayd sidii loo heli laha metelaad dhab ah oo shacabka ka-timaada balse ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo dano u gaar ah wata kuwaas oo doonaya inay majara habaabiyaan aragtida suuban ee shacabka soomaaliyeed taasina aanay ahayn mid waqtiga suurtoobi karta.
Waxyaabihii kulanka diiradda lagu saaray ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Puntland inay tahay xubin muhim ah lafdhabarna u ah hannaanka federaalka soomaaliya isla mar ahaantaana ay mudan tahay in go’aanadeed iyo talooyinkeedaba laqaato.
Sidoo kale kulanka waxaa laysku weydaarsadey aragtiyo iyo talooyin ku qotoma sidii dalka soomaaliya looga saari lahaa xaaladda cakiran ee kuu kujiro maadaama Puntland marwalba ay iyadu u taagan tahay sidii loo heli laha qaran Soomaaliyeed oo xoogle isla markaasna cagihiisa ku istaaga.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland kulanka soo geba-gebeeyey ayaa shacabka reer Puntland u ballan qaaday in uu aragtidooda tixgelin doono lana wadaagi doono ummadda Soomaliyeed maadaama Puntland ay tahay mid kudhisan latashiga shacabkeed.













