Faah-faahin:- Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya oo qarax lagula eegtay degmada Baardheere

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya  ayaa Maanta qarax miino lagu eegtay Gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo  ee koonfurta dalka soomaliya,

Qaraxa ayaa intiisa badan laga maqlay Gudaha degmada Baardheera ee Gobolka  Gedo waxaa haatan la Tilmaamayaa in qaraxa ay ku dhaawacmeen ciidamo ka Tirsan ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo xiligaas marayay Gudaha degmada Baardheere,

Taliye Kuxigeenka Amniga Degmada baardheere col timajilic oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in 3-ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya ay ku dhaawacmeen  qaraxa laakin aysan jirin ciidamo ku dhintay qaraxa,

Dhanka kale Maamulka degmada baardheere ee Faah-faahin ka Bixiyay su’aalo ay weydiiyeen shaqaalo ka Tirsan Hay’ada Hirda oo shalay lagu af-duubtay afafka Hore ee degmada Baardheere ee Gobolka gedo,  iyagoona ka wereystay qaabkey ugu suurta gashay in lasoo daayo,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here