Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Xasan Khaliif Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib markii dhawaan Lagu magacaabay wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas,
Xaflada uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Xasan Khaliif Maxamed waxaa kasoo qeyb galay xubno ka Tirsan Maamulka Puntland waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Mudug,
Waxaa Xilka ku wareejiyay guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Axmed Muuse Nuur oo horey u ahaa ku-simaha gudoomiyaha Gobolka Mudug tan iyo markii uu xilka ka tagay guddoomiyihii Hore Cabdiqaadir Shirre Yuusuf Ereg.
Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug Xasan Khaliif Maxamed oo warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono is dhaxgalka bulshada Gobolka iyo sidii Hormarka Gobolka loogu shaqeyn lahaa,
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Xasan Khaliif Maxamed oo maanta xilka la wareegay

