Maamulka Buula-burde oo sheegay in Caasimadda laga dhigay Magaaladaasi ay muhiimad gaara leedahay.

0

Cismaan Geeddi Cilmi duqa Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu bilaabay dadaal ku aaddan kor u qaadidda iyo dib u habaeynta bilicda Degmada oo uu sheegay in ay uga golleeyihiin warkii dowladda ee ahaa in Caasimadda Maamulka loo dhisayo gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe ay noqoneyso.

Waxaa uu sheegay in ay ugu horeyn aad usoo dhaweynayaan go’aanka Madaxweynaha ee ku aaddan in Caasimadda Maamulka la dhisayo uu doorto Buula-burte.

Duqa degmada Buula burde ayaa sheegay in degmada hadda qeybo ka mida ay u go’doonsantahay Xarakada Al-shabaab islamarkaana ay muhiimadda ugu weyn ee caasimad ka dhigidda Buula-burte ay leedahay ay tahay in magaaladu ay ka baxdo go’doonka ay galiyeen Ciidanka Al-shabaab.

Waxaa intaa raaciyey in dhawaan ay dhiseen garoonkii diyaaradah Degmadaasi oo uu sheegay in diyaaraduhu ay kasoo dagikaraan taasina ay guul ballaaran u tahay Maamulka Degmada.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Shirka Maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe uu ka furmayo Magaalada Jowhar islamarkaana Caasimadda Maamulkaasi ay noqoneyso Degmada Buula-burte oo ka tirsan Degmooyinka gobolka Hiiraan,Balse waxaa ay degmadaasi muddo sannado ah go’doon=min ku haysa Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here