Ciidamo ka trsan Koonfur galbeed oo tababar loosoo Xiray.

0

Shalay Magaalada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Waxaa tababar loogusoo xiray Ciidamo farabadan oo ka mid noqonaya kuwa Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Munaasabadda Tababrka loogusoo xirayey Ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfurgalbeed Xubno ka socda Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil iayaguna ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka Degmada Buur-hakaba  ee Gobolka Baay Xuseen Maxamed Cali Maankaaloow oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in Ciidamadan Tababarka loosoo xiray ay yihiin Ciidamo si gaara loogu talagalay in ay ka qeybqaataan Sugidda Ammaanka guud ee degmadaasi iyo deegaannada kale ee hoos yimaada Buur-hakaba islamarkaana goobtaasi ay ku sugnaayeen Xubno sarsare oo ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu intaasi raaciyey in Ciidamadam Sidoo kale ay la dagaalamayaan Shabaabka ku sugan Deegaanada u dhaw dhaw Degmadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here