Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo kusoo laabtay Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo baryihii  aynu soo dhaafnay ku sugnaa Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee Maanta kusoo laabtay Magaalada Muqdisho,

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno  ka Tirsan Baarlamanka soomaliya  ayaa Magaalada Beledweyne kula soo kulmay odayaasha, iyo waxgaradka, iyo siyaasiyiinya iyagoona kala soo hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Dhanka kale Wafdiga Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed shiikh cusmaan Jaw, Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo xubno ka Tirsan labada golle ee dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here