Dhageyso: Gudoomiye jawaari oo Digniino u direy Xildhibaanada ka Maqan kulamada Baarlamanka

0

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Pro: Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari ayaa digniino u direy xildhibaanada ka maqan kulamada Baarlamanka Soomaliya uu yeeshto,

Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari waxa uu sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay yeeshteen ay ka Maqnaayeen xildhibaano badan isagoona hadalkiisa ku daray hadii xildhibaanada aysan kulamo kasoo qeyb galin ay waayi doonaan mushaaraadkooda ay xaqa u laahaayeen waa siduu hadalka u dhigay gudoomiyaha baarlamanka soomaliya.

Dhanka kale xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kulanka maanta ayaa warbixino loogu dhageysan doonaan tiro xildhibaano ah oo dhawaan ka qeyb galay shirkii loogu hadlaayay doorashada soomaliya oo muqdisho ka dhacay,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here