Dhageyso: Howlgalo Baaritaano ah oo Haatan ka Socda Qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka haatan ka imaanaya qeybo kamid ah Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay haatan socdaan Howlgalo Baaritaano ay sameenayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo goor dhaweyd la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalada ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom looguna Talagalay xaqiijinya amaanka Gobolka shabeelaha Hoose kadib weerarkii shalay Lagu qaaday kolonyo uu la socday Gudoomiyaha degmada Baraawe ee Maamulka koonfur Galbeed soomaliya.

Dhanka kale  Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino waxa uu beeniyay in ciidamada amisom ay dileen dad shacab ahaa oo ku nolaa deeganka Golweyn oo hoos yimaada degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here