Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya oo ka Hadlay Ciidamo ka Tirsan Daacish oo ku Sugan Gobolada dalka Soomaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo saxaafada la Hadlay ayaa sheegay in aysan dowlada soomaliya ogolaan doonin in qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya ay la wareegaan ciidamo daacish oo la sheegay in ay ku sugan Yihiin qeybo kamid ah Koonfurta Dalka soomaliya,

General C/qaadir Sheekh Cali Diini waxa uu Tilmaamay in kooxda Daacish ay yihiin koox ka kamid ah kooxaha inta badan aduunyada ka Fuliyay falal biniaadanimada ka baxsan isagoona ugu baaqay shacabka soomaliyeed In hal meel ay ugu soo wada jeestaan la dagaalanka kooxda daacish,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo wareysi kooban siiyay idaacada Voa-da laanteeda afka soomaliga ayaa sheegay in  dowlada soomaliya ay ka warqabto in qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya ay soo gaaren kooxda daacish iyagoona la midoobay saraakiil ka Tirsan al-shabaab.

Hadalka wasiirka  Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa imaanaya xili qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya gaar ahaan Gobolka gedo la sheegay in ay ku sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan kuwa daacish

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here