FBI-da Dalka Mereykanka ayaa xabsiga dhigtay wiil heysta dhalashada dalka Mereykanka kaasoo Bartiisa Twitter-ka Hanjabaad ugu soo jeediyay ciidamada FBI Dalka Mereykanka.
Khaalid Adam Abdulkadir, oo 19-jir ah ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ciidamada FBI Dalka Mereykanka ay ku eedeeyeen in uu Hanjabaad dil ah hawada ugu usoo mariyay barta Twitter-ka kadib markii ciidamada FBI-da ay dhawaan xireen wiil saaxibkiisa ahaa oo lagu magacaabi jirey Abdirizak Mohamed Warsame, oo 20-jir ahaa.
Dhanka kale Ciidamada FBI-da Dalka Mereykanka ayaa sidoo kale sheegay in Khaalid Adam Abdulkadir uu doonayay in uu la safro saaxibkiisa Abdirizak Mohamed Warsame oo doonayay in uu gaaro dalka Syria si uu ugu biiro kooxda daacish oo ciraaq iyo Syria ka dagaalanta xiligaan,

