Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya C/salaan Cumar hadliye oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda in Wasaaradiisu ay dajisay qorshe ku saabsan hormarinta Xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Wadamada Caalamka
waxaa uu sheegay in muhiimadda Nidaamkan uu u leeyahay dalka ay tahay helida siyaasad nabad galyo ah oo ay Soomaaliya wax kula qaybsato wadamada Caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda Mr Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay iskaashi la xiriira dhinacyo badan ay la sameyneyso Wasaaradaha arimaha dibadda ee wadamada ku yaalla qaaradaha Caalamka.
Waxaa sidoo kale uu intaa raaciyey in intii uu xilka hayey wasaaradda waxyaaba badan lagusoo kordhiyey.
Halkaan ka dhageyso Codkiisa.

