Xilli shalay Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya uu maamul cusub u magacaabay degmada Lafoole oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa magacaabidaasi kadib maamulku uu sheegay in waxyaabo badan uu qabandoono.
Xaawo Xaaji oo loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Lafoole oo la hadashay Idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegtay in isbadallo badan ay waddo islamarkaana qorsheyaal cusub ay kusoo kordhindoonto degmada Madaxda looga dhigay.
Waxaa ay intaa ku dartay Gudoomiyaha cusub ee maamulka lafoole in waxyaabaha ugu badan ee ay wax ka qabanayso ay yihiin Ammaanka,Caafimaadka,Waxbarashada iyo hormarinta Caddaaladda Sida ay tiri.
Halkaan Ka dhageyso Codka Gudoomiyaha.

