Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ay jidka u galeen gaari uu la socday gudoomiye ku-xigeenka dhanka Maaliyada degmada Bardaale ee Gobolka baay Xasan Maxamed akoow
Inta la xaqiijiyay 2-askari oo la socotay Gaariga Cabdi Bilaha Gudoomiye ku-xigeenka Dhanka Maaliyada ayaa ku dhintay Halka uu dhaawac soo gaaray Gudoomiye ku-xigeenka Dhanka Maaliyada Degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo ciidamo isaga la socday,
Weerarka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 35KM ujira magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,
Dhanka kale Dhaawac Soo Gaaray Askarta kale iyo gudoomiye ku-xigeenka ayaa la geeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,
Maxamuud Maxamed Jiirow oo kamid ah saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa kaga warbixiyay Idaacada simba ee Magaalada Muqdisho sidey wax u dhaceen.
Xarakada al-shabaab ayaa baahisay warar sheegaya in ay dileen 5-askari oo ka Tirsanaa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo xiligaas kusii jeeday Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,


Allahu akbar