Waxaa Maanta Lagu in Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya aas qaran loogu Sameeyo Safiirkii Hore Soomaaliya ee Dalka Masar U fadhiyay Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud.
Janaasada Safiirkii Hore ee wadanka Masar ayaa shalay ka dhacday Masjidka Cumar Makram oo ku yaalla agagaarka xarunta Jaamacadda Carabta. fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Salaada Janaasada waxaa ka qeyb galay Madax caalami iyo diplomaasiyiin Horey ula soo shaqeeyay safiirkii Hore ee soomaliya ee wadanka Masar Madaxda wadanka Masar, iyo Madaxweynihii Hore ee Soomaliya xiligii KMG-KA Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan,
Isla Maanta ayaa Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyo waxaana ka qeyb Galaya aaska qaran Madaxda dowlada Soomaliya sida Madaxweynaha dowlada Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo Madax kale.


Abokor Abko liked this on Facebook.