Wariyaasha ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in xabsiga laga sii daayo wariye Jaamac Deperaani oo maalintii 3-aad ku xiran saldhiga Magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal.
Qaar kamid ah wariyaasha ka Howlgalada idaacadaha kala duban iyo Tv-yada ee deeganada Maamulka Puntland ayaa maanta iskugu soo baxay Meel u dhow xarunta Maxkamada Magaalada Garoowe ee Gobolka Iyagoona watay warqado ay ku qornaayeen dalab ku aadan in xabsiga laga sii daayo wariye Jaamac Deperaani oo kamid ah wariyaasha ka Howlgala deeganada Maamulka Puntland
Dhanka kale Maxkamada Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa Maanta amartay in xabsiga lagu sii Hayo wariye Jaamac Deperaani oo dhawaan xabsiga ay dhigeen ciidamo ka Tirsan Kuwa Maamulka Puntland.
Gudoomiyaha ururka MAP ee suxufiyiinta deeganada Maamulka Puntland Feysal Khaliif Barre oo warbaahinta la Hadlay ayaa ka dalbaday Maamulka Puntland in xabsiga laga sii daayo wariye Jaamac Deperaani.








