Shirarkii loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga Sanadka 2016-ka oo Lagu Soo gaba-gabeeyay Deeganada Puntland

0

Waxaa Maanta deeganada Maamulka Puntland Lagu soo gaba-gabeeyay shirarkii Loogu Hadlaayay Barrnaamijka Hiigsiga sanadka 2016-ka oo Labo Maalin ka socday deeganada Maamulka Puntland.

Shirka waxaa soo xiray Madaxwayne ku xigeenka Maamulka  Puntland  Cabdixakiin Cabdilaahi Camey waxaa shirka  ka qeyb galay Madax ka Tirsan Maamulka Puntland, wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa iyo xubno kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan.

Ergooyinka ka qeyb Galay shirka Hiigsiga sanadka 2016-ka ee Maanta Lagu soo gaba-gabeeyay deeganada Maamulka Puntland  ayaa inta badan isku raacay in aysan muhiim ahayn in dib loogu laabto nidaamkii 4.5-ka oo sanadihii dambe dalka loogu dhaqmaayay,

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha dowlada soomaliya  mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo munaasibada xiritaanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in  inta badan la rajeynayo in ay dhaqan Galayaan waxyaabaha ay soo bandhigeen dadku Nool Gobolada dalka soomaliya ee lagu qabtay shirarka hiigsiga sanadka 2016-ka

Waxaa sidoo kale shirarka Hiigsiga sanadka 2016-ka loogu Hadlaayay Lagu soo gaba-gabeeyay Magaalooyinka gobolada dalka soomaliya sida Baydhabo, kismaayo, iyo Cadaado.

IMG_5298-450x300 IMG_5385-450x300 (1) IMG_5385-450x300 IMG_5496-450x300 IMG_5499-450x300 IMG_5515-450x300 IMG_5536-450x300 IMG_5539-450x300

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here