Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Maalmahaan Ku sugnaa Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia ayaa Halkaas waxa uu kula kulmay Madaxda dowlada Ethopia.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Ugu horeyn kula Kulmay Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia Wasiirka arrimaha dibadda Ethopia Mudane Tedros Adhanom iyagoona kawada Hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo dowlada Ethopia.
Ugu Horeyn Wasiirka arrimaha dibadda Ethopia Mudane Tedros Adhanom oo warbaahinta Ethopia la Hadlay ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Madaxweyne c/kariin xuseen ay isku afgarteen in La xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka Galmudug iyo dowlada Ethopia.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibada Ethopia u ahaa Kulan looga Hadlaayay xoojinta xiriirka u dhaxeeya dowlada Ethopia iyo Maamulka Galmudug.




