Waxaa Maanta la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin xuseen guuleed uu Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud uu ka Furo shir loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka
Qeybaha kala duban ee Bulshada ku dhaqan deeganada uu ka arimo Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in shirka ay kasoo qeyb Galaan sida uu warbaahinta simba u sheegay wasiir ku xigeenka Dastuurta Maamulka Galmudug.
Wadooyinkii Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa saakay lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug si ay amaanka u xaqiijiyaan sida ay inoo sheegeen saraakiil ka Tirsan ciidamada Maamulka Galmudug.
Dhanka kale Magaalooyin kale sida deeganada Puntland, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale la Filayaa in ay ka Furmaan shirka loogu hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka

