Dowlada Wadanka Kenya ayaa sheegtay in ay dishay rag ka Tirsan alshabaab kadib dagaal ka dhacay deegan la yiraahdo Jungal ee Gobolka Gedo.
Afhayeenka ciidamada dowlada Kenya David Obonyo oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku guuleysteen in ay dileen 9- ka Tirsan alshabaab kadib Howlgal ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka soomaliya.
David Obonyo waxa uu Tilmaamay in ciidamada Kenya ay gacanta ku soo dhigeen Hub ay rasaas ay isticmaalayeen ciidamada al-shabaab oo ku sugnaa deeganka Jungal ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka soomaliya.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka al-shabaab ay kaga Hadlayaan dagaalka ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta wadanka Soomaliya

