Mid kamid ah Xildhibaanada Puntland oo ku Dhawaaqay in uu yahay Musharax u Taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland

0

Mid kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u Taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland

Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo-Daareed) oo kamid ah barlamaanka Maamulka Puntland oo shir jaraaid warhaaninta ugu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu yahay Mas’uul ku Haboon qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaankaan ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa imaanaya kadib markii uu dhawaan iscasilay gudoomiyihii barlamaanka Maamulka Puntland Siciid Xasan Shire oo ay mudanayaal ka badan 39-mudane  ka keeneen mooshin xil ka qaadis ah.

Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo-Daareed)  Waa Musharaxii ugu Horeeyay ee isku Taaga qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Puntland

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here