Madax ka socota Qaramada Midoobe iyo Urur Goboleedka IGad ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta baay si ay goob joog kaga noqdaan ku dhawaaqista Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.
Sidoo kale waxaa Magaalada Baydhabo ku sugan wafdi ka socda wasaarada arimaha Gudaha dowlada soomaliya oo dhankooda Goob joog ka noqonaya ku dhawaaqista xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.
Liiska xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa Maalintii shalay aheyd waxaa loo gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan,
Maanta ayaa lagu wadaa in si Rasmi ah loogu dhawaaqo Magaalada Baydhabo xildhibaano Baarlamanka Maamulka Koofur Galbeed soomaliya oo mudooyinkii dambe xulistooda ay socotay.

