Banaanbax loogu soo horjeedo Gudiga Farsamada ay wasaarada arimaha Gudaha dowlada soomaliya magacawday Galinkii dambe ee shalay ayaa haatan ka socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Banaanbaxa waxaa soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya waxaana ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya C/fitaax xasan afrax oo saxaafada kula Hadlay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan ay kasoo horjeedaan qaabkii losoo magacaabay Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe
Banaanbaxaan ayaa kusoo aadaya xili uu qilaaf ka Taagan yahay qaabkii loo wajihi lahaa shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe

