Xildhibaanno Baarlamaank Soomaaliya ka tirsan Baarlamaank oo Dalbaday Joojinta Dagaallo beeleedyo ka dhacaya G/Mudug.

0

Xilli Dagaallo beeleedyo ay kasoo cusboonaadeen deegaanno hoostaga Deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa soo baxaya baaqa ku aaddan joojinta dagaallo beeleedyadaasi ka dhacaya Gobolka Mudug.

Odayaal,Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka,Culumaa’uddiin iyo Waxgarad kale ayaa ugu baaqay dhinacyada halkaa ku dagaalamaya inay si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaalka u dhexeeya.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa codsaday in si dag dag ah oo bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalada soconaya.

Xildhibaanad Ubax Tahliil warsame oo ka Mida Xildhibaanada Kulmay ayaa ugu baaqday Madaxda Maamulka Galmudug inay kala dhaxgalan dhinacyada ishaya gacanna uu ka geysto joojinta Dagaalka.

si kastaba Baaqa xildhibaanadan ayaa imaana iyadoo muddooyinkaan dambe ay kasocdaan deegaanno hoostaga deegaanka Camaara dagaallo u dhexeeya laba beelood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here