Iyadoo dagaallo ay ka dhaceen deegaanno hoostaga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa Saaka xaalad deganaansho ah oon cagabadann ku taagneyn waxaa laga dareemayaa deegaanadaasi
Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo dagaalka halkaa ka dhacay uu u dhexeeyey ayaa wali isku horfadhiya deegaanada qaar ee dagaalku ka dhacay.
Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa beeniyey in dagaalku u dhexeeyey beelo halkaa wada daga iyadoo ay soo baxayeen warar ku aaddan arimahaasi.
Dhamme Cumar Maxamud oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Mamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dagaalku u dhexeeyo ciidamada al-shabaab iyo dadka deegaanka Camaara islamarkaana ay gacansiinayaan ciidamada Galmudug dadka deegaanka ee al-shabaab kula dagaalamaya deegaanadaasi.

