Muungaab” Way Soconeysaa Howsha Maamulka Gobolka Banaadir ilaa aan Xilka Wareejinaayo”

0

Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay Waxaa ay ku Sheegtay in la joojiyo Lacagaha Saxiixa Muungaab looga bixinaayo Bangiga dhexe ee Soomaaliya islamarkaana la Faray Shaqaalaha Maamulka Gobolka la faray inay joojiyaan shaqada ay hayaan ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Waxaana uu sheegay in maamulkiisu uu sii shaqaynayo tan iyo inta uu xilka ku wareejinaayo Maamulka Cusub.

Muungaab ayaa sheegay inay sii soconayaan Howlaha Maamulka Gobolku islamarkaana shaqada ay sii wadaan Shaqaalaha Gobolku Canshuurta ayuu ku Nuuxnuuxsady in lasii qaado isagoona intaa raaciyey in malinka isniinta ah ee Soo socota uu xilka Wareejindoono.

Gudoomiye Muungaab ayaa Markii uu dalka kusoo laabta isagoo xilka laga qaaday Waxaa jiray dad Farabadan oo la sheegay inay Wataan Saxiixiisa oo jeegag lacag ah ka dalbanaya Bangiga dhexe waxaana wixii intaa ka dambeeyey Wasaaradda arimaha Gudaha ay War kasoo sartay Arimhaasi.

120319_004

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here