Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ka Hadlay dagaalada kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay aad kaga Xun Yihiin dagaalo beeleedyo ka dhacaya deegaanka Qaa’ib ayna dadka badan ku dhaawacmeen Kuwana ay ku dhinteen
Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay aad kaga xun yihiin dagaalo beeleedyada haatan ka jira qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud dhawaan loo diri doono deegankaas odoyaal si Nabad iyo xabad joojin loo kala dhaxdhigo beelaha dagaalamaya
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa imaanaya xili dagaalo beeleedyo ay kasoo cusboonaadeen qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ee Bartaha dhulka soomaliya

