Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo ku Wajahan Magaalada New Delhi ee dalka India

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha soomaliya mudane  xasan sheikh ayaa Lagu wadaa in ay Maanta Gaaraan Magaalada New Delhi ee Dalka India

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid wasiirada, warfaafinta, arimaha dibada iskaashiga caalamiga,  agaasimaha Guud ee Madaxtooyada qaranka iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaliya

Madaxweynaha soomaliya ayaa Magaalada Riyaad labo Maalin uu ku sugnaa waxa uu kula Kulmay Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud iyagoo ka kawada Hadlay xiriirka soomaliya iyo sacuudiga,  xaalada siyaasadeed ee xiligaan ka Taagan dalka Yemen

Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Magaalada New Delhi kaga qeyb Gali doona  shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika oo sanadkaan lagu qaban doono Magaalada New delhi ee dalka Hindiya

Shirkaas ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here