Weeraryahanka kooxda Chelsea Diego Costa ayaa loogu Cabsi qabaa in uu dhaawac daran uu kasoo Gaaray dhanka xabadka kulankii xalay Guuldarada ay kala Kulmeen kooxda Stoke City
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa ciyaarta Laga saaray waxaana haatan la sheegay in la geeyay isbitaal ku yaala Galbeedka Magaalada London si loogu dabiibo dhaawaca kasoo gaaray dhanka Xabadka
Kooxda Chelsea ayaa xalay guuldaro kala Kulantay kooxda Stoke City ciyaarayaha Capital One cup-ka xili loogu badiyay Gool Kulaadyo gaaraya 4:5 oo Stoke ku badisay

