Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Soomali-land ayaa sheegaya in ay is casileen wasiiro ka Tirsan Maamulka soomali-land
Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa Goor dhaweyd waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska Casileen Xilkii Wasiir Nimo ee ay ka hayeen Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Shir Jaraaid ay ku qabteen Gudaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka soomali-land ayay kaga dhawaaqeen in ay gabi ahaanba ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweynaha Maamulka Somali-land axmed Maxmed Maxamuud siilaanyo
si Kooban Tirada Is Casishay
- Wasiirka Wasaarada Arimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis
- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan
- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid
- Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha Bushada Dr Cabdi Aw Daahir
- Wasiirka Wasaarada hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed
- Afhayeen Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul
- Wasiirka Wasaarada waxbarashada Faaraxa Cilmi Geedoole.
- Wasiir-Ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil
- Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq
- Wasiir-ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo arimaha Cabdi Waaxid Cabdiraxmaan Cabdi qaadir
- Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Deegaanka
- Wasiir-ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud
- Wasiir-ku xigeenka Wasaarada dibu deginta Nimco Xuseen qaqdhan
- Agaasimaha Wasaarada Warshada Mawliid Yoonis

