Wafdi uu hogaaminaayo Raisul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goor dhaweyd Gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya sida Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan afrax iyo saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan magaalada Beledweyne
Dhanka kale Sababaha keenay Gaarista Magaalada Beledweyne Raisul wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa lagu sheegay u kuur Galida xaaladaha abaaraha iyo Fatahaadyada laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya

