Sida aynu wararka ku halayno Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaalada riyaad ee wadanka sacuudiga si ay ula kulmaan Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis
Madaxweynaha soomaliya ayaa la sheegayaa in dalka sacuudiga uu Joogi doono Mudo labo Maalin ah madaxda dalka sacuudiga ayuu kala Hadli doonaa xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, Siyasada iyo amaanka iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Yemen.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud uu ku Tagayo wadanka sacuudiga ayaa imaanaysa xili Maalmo ka Hor boqorka sacuudiga uu la kulmay Raisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane ismaaciil cumar Geelle
Safiirka dowlada soomaliya u Fadhiya wadanka sacuudiga Dahir Maxamud Gelle ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha soomaliya ay wehliyaan wasiirka arimaha dibada, Maaliyada. Iyo warfaafinta ay kusoo wajahan Yihiin Magaalada Riyaad ee wadanka sacuudiga

