Madaxweynaha dowlada soomaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ay Muhiin u Tahay meel marinta sharciga la dagaalanka argagaxisada oo Haatan Horyaala Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya
Xasan sheikh Maxamuud Madaxweynaha soomaliya ayaa aaminsan in Hadii la meel Mariyo sharciga la dagaalanka argagaxisada ay dowladiisa awood u yeelan doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada
Sidoo kale Madaxweynaha dowlada soomaliya xasan sheikh Maxmauud ayaa kula Dar-daarmay xildhibaanada Baarlamanka soomaliya in ay si hufan u wadaan shaqada hortaalla kalafadhigga 7-aad oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha soomaliya ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii shalay Xarunta Golaha shacabka Lagu qabtay Xaflada Furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya

