Madaxweynaha dalka mareykanka Brack Obama ayaa goaan ku gaaray In dalka soomaaliya lageeyo ciidan kasocda Mareykanka kuwaasi oo la dagaalami doona ciidamada Al-shabaab.
Wasaarada gaashaandhiga mareykanka ayaa xustay in ciidamo gaaraya 300 la geen doono dalalka Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Chad, Democratic Republic of Congo, ,Mali, Niger, Nigeria, Somalia iyo dalka South Sudan oo colaado ay ka jiraan xiligaan
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in goobahaasi ay ka jirto Qatar xoogan oo dhanka ah amaanka
Ilaa iyo hada macado ciidanka lageenayo soomaaliya in ay yihiin kuwa dhulka ah oo ka qeyb qaadanaayo dagaalka lagula jiro Al-shabab iyo in ciidankaasi ay tababaro siin doonaan ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Talaabadaan waxa ay imaaneysaa iyadoo dowlada Wadanka ingiriiska ay sheegtay in ciidamo gaaraya 70 askari ay soomaaliya u soodiri doonto dhawaan

